Lafta-Gareen oo ka hadlay Mowqifkiisa Doorashada 2020

December 22, 2019 (AO) – Madaxweynaha Koofur Galbeed C/casiis Lafta Gareen ayaa markii u horeysay ka hadlay mowqifkiisa doorashada 2020/21, isagoo ka hor-yimid qorshihii doorashada Madaxtooyada wadatay, waxaana uu xusay inay doonayaan in doorashada noqoto qaabkii sanadkii 2016 oo la qurxiyay, 4.5 la isku doorto, lana aado maamul goboleedyada.

“Ka maamul ahaan waxaa jeclaan lahaa doorashada inay u dhacdo inta dadka laga tirinayo oo Soomaali tiradeeda laga ogaanayo oo deegaanada ka xoroobayaan in la isku doorto 4.5 iyo in la aado maamul goboleedyada, nin walba uu deegaan doorashadiisa uu tago, muddo kororsina qof Soomaali oo rabo ma jirto, tii 2016 la isku soo doortay ayaa qurxineynaa, waxaa soo dooratay oday dhaqameed iyo 51 ayaa soo dooratay, maanta dad ka badan ayaa soo dooran kara, deegaanada ayaa gaarsiin karaa, ayada waxaa qabnaa in la sii qurxiyo oo meel fiican la sii gaarsiiyo” .

Waxaa la weydiiyay sida uu u arko in Madaxweynaha soo dooranayaan Baarlamaanka iyo in kale ayuu ku jawaabay in dastuurka ay ku qoran tahay in Madaxweynaha ay soo doortaan Baarlamaanka labada aqal.

Hadalkan ka soo yeeray Madaxweynaha Koofur Galbeed ayaa dhabar jab ku ah qorshihii Madaxweyne Farmaajo ee doorashada 2020/2021 ee ahaa in nidaamka doorashada ay noqoto qof iyo cod oo lagu galo Xisbiyo, Madaxweynaha uu ka yimaado Xisbigii ugu cod badan.