Kulan Albaabadda u Xiran oo Dhexmaraya Kheyre, Mursal, Muudey iyo Mahad Cawad

December 23, 2019 (AO) – Caawa waxaa kulan xasaasi ah uu u socdaa Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre, Gudoomiyaha Golaha Shacabka Xildhibaan Maxamed Mursal iyo Labadiisa Ku-xigeen oo kala ah Xildhibaan Cabdiweli Muudey iyo Xildhibaan Mahad Cawad.

Kulanka ayaa ka socda hoyga Ra’iisul Wasaaraha wuxuuna bilowdey 07:12pm saacada afrikada bari ee xiliga muqdisho, waxaa dadka qaar ee ku dhow dhow xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ay sheegeyaan in laga hadlaayo sidii loo soo afjari lahaa doodii sharciga doorashooyin, loona gaari go’aan rasmi ah oo ku saabsan nooca ay noqoneyso doorashadda ay ku imaanayaan Xildhibaanadda labada aqal ee dhamaadka 2020 iyo sida ay noqoneyso doorashada Madaxweynaha ee 2021.

Xogta ay heleyso shabakadda Awdinle Online ayaa sheegeysa in Ra’iisul Wasaaruhu uu si xoog badan u daneynayo nidaamka 4.5 iyo in xildhibaada ay doortaan ergo qabiilkooda ah oo tiro ahaan gaaraya 100 ergo xildhibaankiiba, sidoo kale Ra’iisul Wasaaruhu uu doonayo in Madaxweynaha ay soo doortaan Xildhibaanada labada gole sida uu qabo Dastuurka Soomaaliya.

Dhamaan Gudoonka labada aqal ayaa ku raacsan arinta uu soo jeediyey Ra’iisul Wasaare Xasan Kheyre, sidoo kale gudoonku waxay ku qanceen sida Ra’iisul Wasaaruhu uu ugu sharcay xitaa farsamo ahaan sida loo fulin karo iyo mudada ay qaandan karto doorashada.

Si kastana ha ahaatee Madaxweyne Farmaajo ayaa noqo doona shaqsiga ugu dambeeya ee saxiixa wax walba oo labada gole ee Baarlamaanka ay isku raacaan si ay u noqdaan.

Dhanka kale Madaxweynaha ayaa si xoog leh u daneynaya in dalka ay ka dhacdo doorasho qof iyo cod oo lagu soo doorto xildhibaanada iyo Madaxweynaha intuba, waxaase moodaan in la gaarey xiligii kala aragti duwanaansha uu banaanka soo bixi jirey.

Waxaa xusid mudan in caawa xildhibaanadda Baarlamanka loo direy laba fariimood oo aad u kala duwan midna tilmaameysa inuu shir jiro, mida kalena sheegeysa inuusan shir jirin oo uu baaqdey, fariimaha waxay ka wada imaanayeen isla xafiiska gudoonka golaha.