Axmed Macalin Fiqi: Bankiga Dhexe waa inay xiraan xafiisyada dhaqaalaha ku uruursadaan  Al Shabaab

December 24, 2019 (Awdinle Online) –Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo kamid ah Xildhibaanada  Baarlamaanka Somaliya ayaa waxaa uu Maamulka Baanka Dhexe ugu baaqay inay go’aan ka qaataan xafiisyada Al Shabaab ee dhaqaalaha loogu uruuriyo.

Xilli maanta Baanka Dhexe uu soo saaray amar ah in la xiro koontooyinka Shirkadda Forex ayaa waxaa uu Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi uu soo jeediyay in sidaasoo kale la xiro koontooyinka Shabaabka.

“Bankiga Dhexe xafiisyada Al Shabaab ay dhaqaalaha ku uruursadaan ayana waa laga sugayaa In ay go’aan ka gaaraan sida Forex, oo billihii u dambeeyay soo shaac baxday ay u xaaraantinimeeyeen oo kale.” Ayuu yiri Mudanaha Golaha Shacabka ka tirsan.

Xildhibaan Fiqi ayaa sidoo kale Culima’udooyinka Soomaaliyeed kuwoodii xaaraantinimeeyay Forex ugu yeeray in si lamid ah dadka Soomaaliyeed ugu wacyigeliyan inaanay wax dhaqaalo ahi siinin Al Shabaab.

“Culimadii Muxaadarooyinka Forex qabatayna ayagana waa In ay ka hadlaan Shabaabka lacagta baadda ah ee qaraxyada lagu maalgeliyo la siinayo iyo In ay umadda ugu baaqaan In wax dhaqaale ah la siin.” Ayuu yiri Fiqi oo warkan ku sheegay qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook.

Warar Sugan Kala Soco   Awdinle.com