Bangiyada gaarka loo leeyahay oo lagu amray in ay xiraan xisaabaadka Sharikadaha FOREX

December 24, 2019 (Awdinle Online) –Bangiga dhexe ee Soomaaliya ayaa soo saaray Warqad uu ku amrayo Bangiyada gaarka loo leeyahay ee dalka in ay xiraan Xisaabaadka u furan Sharikadaha ka ganacsada Sarrifka Internetka ee loo yaqaan FOREX.

Warqad ka soo baxday Bangiga dhexe kuna saxiixantahay Guddoomiye ku xigeenka Bangiga dhexe ee Soomaaliya Maryan Cabdullahi Yuusuf, ayaa sidoo kale lagu armay Bangiyada gaarka loo leeyahay in ay Bangiga dhexe u gudbiyaan lacagaha ay u hayaan sharikadaha ku shaqeysta Sarrifka Internetka ee FOREX.

Guddiga dhexe ee Maamula Bangiga ayaa lagu sheegay in uu 28kii October 2019 kulan ka yeeshay arrintan islamarkaana gaaray go’aankan, hayeeshee warqadda ayaa loo diray Bangigada gaarka loo leeyahay 23kii Bishan oo ku beegan Isniintii shalay ahayd.

Bilihii la soo dhaafay waxaa ay dood adag ka taagneyd Ganacsiga FOREX oo xitaa Culimada qaarkeed isku khilaafeen iyaga oo qaar ku sheegay in ay Xaaraam tahay halka kuwo kalena ay sheegeen in ay banaantahay.

 

 

Warar Sugan Kala Soco   Awdinle.com