Ciidamo ka socda Dowladda Itoobiya oo soo galay Xadka Soomaaliya

December 24, 2019 (Awdinle Online) –Ciidamo Itoobiyaan ah ayaa lagu soo waramayaa in saacadihii la soo dhaafay ay gudaha u soo galeen deegaano ku yaalla xadka Soomaaliya, iyadoo Ciidamadan la sheegayo in aanay ka tirsaneyn howlgalka AMISOM.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamadan ay soo gaareen deegaano ka tirsan Galgaduud ee xuduudka Itoobiya, halkaasoo maalmihii la soo dhaafay ay ku dagaalameen Maleeshiyo xoolo dhaqato ah iyo Ciidanka Liyuu Booliska.

Dadka deegaanka ayaa sheegaya in Ciidamada Itoobiya ay ay arkeen, iyaga oo gudaha u soo galaya deegaanka Boorancad oo ah halka uu dagaalka ka dhacay.

Sidoo kale Ciidamo ka tirsan Milateriga Soomaaliya ee ka tirsan qeybta 21aad ayaa iyana la sheegay in maalmo ka hor gaareen deegaankaas, iyagoo u kala wareejiyay maxaabiis ay kala qabsadeen labada dhinac ee ku dagaalamay deegaankaas.

Lama oga ujeedka ay Ciidamada Itoobiya u soo gaareen deegaanka, hase ahaatee waxaa la sheegayaa inay dhaq dhaqaaqan ciidan qeyb ka yahay qorshe lagu adkeynayo ammaanka xuduudaha oo dagaalo soo noq-noqday ay ka dhaceen.

Warar Sugan Kala Soco   Awdinle.com