Dowladda Soomaaliya oo Shaacisay in Shaqada laga eryey Zakariye Ismaaciil

December 24, 2019 (AO) – labadii maalmood ee lasoo waxaa la isla dhexmaraayey in xilka laga qaadey Madaxii sirdoonka gudaha ee hay’adda nabadsugidda dowladda federaalka ah ee NISA Zakariye Ismaaciil Xersi.

Zakariye ayaa ka mid ahaan jirey Ururka Al-shabaab una qaabilsanaan jirey isla xilka ay dowlada federaalka ah u dhiibatey, wuxuuna dowladda kusoo biirey bilowgii sanadkii 2016 isla markiiba waxaa uu si toos ah ugu biirey hay’adda wardoonka oo uu ilaa wakhtigan ka tirsan yahay.

Wariye Cabdicasiis Maxamuud Guuleed oo loo yaqaano Cabdicasiis Afrika oo ka tirsan Wasaaradda Warfaafinta Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa baahiyey in shaqada la eryey Zakariye Ismaaciil Xersi, in kastoo aan weli la ogeyn shaqsiga lagu badaley iyo sabab loo badaley ee rasmiga ah.