Duqeyn Ka Dhacday Jubbada Dhexe & Xubno muhiim ah oo lagu diilay

December 24, 2019 (Awdinle Online) –Degmooyinka ay duqeynta ka dhacday ayaa waxaa ka mid ah Jilib iyo Bu’aale oo dhamaantooda ka wada tirsan gobolka Jubada Dhexe.

Labada duqeyn ayaa la sheegay in lala beegsaday xarun tababar oo ku taala inta u dhexeysa Jilib iyo Hargeysa yarey, iyo Degmada Bu’aale.

Saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga ayaa sheegay in saraakiil iyo dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab duqeynta lagu dilay.

Dhinaca kale degmada Bu’aale ayaa waxaa xalay  duqeyn lala beegsaday sargaal sare oo katirsan macalimiinta bixiya tababarada Al-Shabaab, kaasi oo lagu magacaabi jiray Macalin Yoonis Karaama oo loo yaqaano Abuu Cuteyba, xili uu ku sugnaa hoygiisa.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in duqeynta lagu dilay sarkaal iyo 12 dagaalame oo ka tirsan ilaaladiisa

Jubbada dhexe ayaana ah gobolka Kaliya ee ay si buuxda gacanta ugu hayaan  Al-Shabaab.

Warar Sugan Kala Soco   Awdinle.com