Magaalada Jigjiga oo ka socda  Banaanbaxyo rabshado wata

December 24, 2019 (Awdinle Online) –Magaalada Jigjiga ee Xarunta Dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa Maanta waxaa ay halkaasi ka dhigayaan banaanbaxyo rabshado Shacabka ku nool  Magaalada

Banaanbaxayaasha ayaa waxaa ay siweyn uga soo horjeedaan masaajidyo Saddex ah oo lagu gubay kililka Axmaarada,waxaana banaanbaxa ay ka dhigayaan inta badan Xaafadaha Magaalada Jigjiga.

Banaanbaxayaasha ayaa waxa ay ku dhawaaqayaan Erayo ka dhan ah Amxaarada iyo sida ay uga xun yihiin Masaajidyada lagu gubey kililka Axmaarada.

Cidiamo farabadan oo ka tirsan kuwa Liyuu Boolis ayaa la dhigey wadooyinka waaweyn ee Magaalada jigjiga si ay u xakameeyaan banaanbaxayaasha,waxaana banaanbaxayaasha qaarkood ay taayaro ku gubeyn wadooyinka waaweyn ee Magaalada jigjiga.

Maalin ka hor waxaa mid lamid ah banaanbaxaan uu ka dhacay kililka HARAR ee dalka Itoobiya, iyada oo weli ay jiraan cabsi laga qabo in banaanbaxyo kale oo rabshado wata ay sameeyaan Muslimiinta ku nool dalka Itoobiya

Warar Sugan Kala Soco   Awdinle.com