Xiisad Maanta Ka Taagan Magaalada Baardheere ee gobolka Gedo

December 24, 2019 (Awdinle Online) –Xiisad dhanka maamulka ah ayaa Maanta ka taagan Magaalada Baardheere ee gobolka Gedo,kaas oo u dhaxeeya  xubno kala taabacsan maamulka Jubbaland iyo dowladda federaalka.

Xiisadda ayaa cirka isku shareertay kadib markii uu maanta Baardheere gaaray nin madaxweyne ku xigeenka labaad ee Jubbaland uu dhawaan u magacaabay guddoomiye ku-xigeenka degmadaas iyo xubno kale oo ka baxay magaalada Kismaayo.

Guddoomiye ku-xigeenka ay degmadaas u magacaawday Jubbaland ayaa waxaa la sheegay in uu xarunta degmada ku soo dhaweeyey Sheekh Maxamed Xuseen isxaaq Alqaadi oo ah guddoomiye ku xigeenka gobolka Gedo.

Galinkii danbe ee shalay ayaa ciidamada Itoobiya iyo kuwa Militeriga Soomaaliya ee ku sugan degmada Baardheere waxay hawada ka saareen is gaarsiinta degmadaas, waxayna magaalada ka bilaabeen howlgallo ay doonayeen inay ku soo qabtaan xubnihii ka socday Jubbaland ee maanta tegay degmadaas.

Cabdullahi waxa uu sheegay in dowladdu ay amartay ciidanka jooga Baardheere in lasoo qabto guddomiye ku xigeenka gobolka Al-Qaadi oo ah ninka xiisadda abuuray iyo xubnihii uu magaalada ku soo dhaweeyey ee ka socday Jubbaland, kuwaas oo uu sheegay inay haatan isku aruursadeen guri uu Al-Qaadi ka deganyahay Baardheere.

Cabdullaahi Nuur Xasan ayaa ka mid ahaa guddoomiyaashii degmooyinka gobolka Gedo ee hoos tagi jiray Jubbaland, balse markii danbe la saftay dowladda federaalka, sidaasna Jubbaland ay xilalkii uga qaaday.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa qalalaaso ka wado gobolka Gedo,halkaasi oo mas’uuliyiintii ka talineysay loo soo kaxeeyay magaalada Muqdisho oo ay ku sugan yihiin.

Warar Sugan Kala Soco   Awdinle.com