Barakac Ka bilowday  Deegaanka Ceelasha Biyaha

December 25, 2019 (Awdinle Online) –Deegaanka Ceelasha Biyaha Duleedka Muqdisho, Wararka inaga soo gaaraya ayaa sheegaya in halkaasi ka bilaabeen inay ka barakacaan guryahooda dadka qaar.

Qaxaan ayaa waxa uu ka dambeeyey kadib markii ay is daba joog noqdeen weerarada Al Shabaab ka fulinayaan Deegaanada Ay Ciidamada AMISOM kusugnaayeen.

Xalay ayaa ugu dambeeyey waxaa la weeraray Fadhiisin Ciidanka AMISOM ku lahaayeen Deegaanka Arbacoow iyadoo Saqdii dhexe la maqlayey Jug weyn.

Dadka ayaa bilaabay inay ka qaxaan guryahooda maadaama ay jawaab celinta AMISOM waxyeelo Shacabka kasoo gaarto.

Weerarkii Xalay iyo Dagaalkii Hubka la isku weydaarsaday waxaa ku dhintay Labo Qof oo mid Haweeneey Da’ aheyd markii madfac gurigooda ugu tegay,sida ay dadka deegaanku sheegeen.

Warar Sugan Kala Soco   Awdinle.com