Daawo:- Cabdiraxmaan Cabdishakuur  oo shaaciyay Dhacdo  murugo badan oo lagu sameeyay Hooyooyin Soomaaliyeed

December 25, 2019 (Awdinle Online) –Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ah hoggaamiyaha xisbiga Wadajir  ayaa bogiisa Facebook soo dhigay qoraal dheer oo aad u murugo badan kasoo ku lifaaqan muqaal maamo Soomaaliyeed

Hoos ka daawo muqaalka iyo qoraalka.

Maxaa shacabka u dhiman oo lagu samayn lahaa, mar haddii Hooyooyinkii wiilashii ay agoonimada ku soo koriyeen laga qafaashay, oo nolol iyo geeri meel ay ku sheegaan jirin, haddii jidadkii laga xirtay, canshuur xad dhaaf labadada dhinac laga saartay, markii ay isku dayeen in ay argagexisada Al- Shabaab iska dhiciyaan (Macawiislaydii oo kale) garabkooda laga baxay oo la xasuuqay, markii Zobe lagu xasuuqayna loo aargudin, oo haddii ay cabtaana caburrin, caay iyo cagajugleys la isugu daro.

Waxaa intaa dheer in maalin walba dhegahooda ku dhacayaan hadalo digasho iyo u duur xulis leh oo la leeyahay Axmad Godane isagoo kaligii ah buu qabsaday, Alshabaab xoog bay ku haystaan, isma nuuxin karaan daaraha ayaa ka dumaya. Waxaa dacfi loo qaatay in dulqaad iyo dariiq nabad ah oo dastuuri ah xuquuqda lagu doono. Caqiibo xumi ayey ku socotaa ee haddii ay jiraan dad ehel iyo arxan u ah oo ka naxaya kuwa talada haya, gacanta qabta. Shacabyahow waxaan diyaar u nahay in aan idinla duubano oo xuquudiina, idinla doono ee isku diyaariya in aad is difaacdaan.

Maxaa shacabka u dhimman oo lagu samayn lahaa, mar haddii Hooyooyinkii wiilashii ay agoonimada ku soo koriyeen laga qafaashay, oo nolol iyo geeri meel ay ku sheegaan jirin, haddii jidadkii laga xirtay, canshuur xad dhaaf labadada dhinac laga saartay, markii ay isku dayeen in ay argagexisada Al- Shabaab iska dhiciyaan (Macawiislaydii oo kale) garabkooda laga baxay oo la laayey, markii Soobbe lagu xasuuqayna loo aargudin, haddii ay cabtaana caburrin, caay iyo cagajugleys la isugu daro. Waxaa intaa dheer in maalin walba dhegahooda ku dhacayaan hadalo digasho iyo u duur xulis leh oo la leeyahay Axmad Godane isagoo kaligii ah buu qabsaday, Alshabaab xoog bay ku haystaan, isma nuuxin karaan daaraha ayaa ka dumaya. Waxaa dacfi loo qaatay in dulqaad iyo dariiq nabad ah oo dastuuri ah xuquuqda lagu doono. Caqiibo xumi ayey ku socotaa ee haddii ay jiraan dad ehel iyo arxan u ah oo ka naxaya kuwa talada haya, gacanta qabta. Shacabyahow waxaan diyaar u nahay in aan idinla duubano oo xuquudiina, idinla doono ee isku diyaariya in aad is difaacdaan.

Posted by Abdirahman Abdishakur Warsame on Wednesday, December 25, 2019

 

Warar Sugan Kala Soco   Awdinle.com