Ma isbarteen Soomaalida iyo Donald Trump Sanadkan Sii dhamaanaya

WASHINGTON, DC - DECEMBER 16: U.S. President Donald Trump listens during a meeting about the Governors Initiative on Regulatory Innovation in the Cabinet Room of the White House on December 16, 2019 in Washington, DC. President Trump encouraged further action to reduce unnecessary regulations that the administration says are holding back American businesses. (Photo by Drew Angerer/Getty Images)

Sannadkan sii dhammaanaya waxaa jiray warbixinno dhor ah oo aannu ka qornay Donald Trump iyo Soomaaliya. Sidoo kale waxa qaar ka mid ah qeyb ka ahayd Ilhaan Cumar oo Trump ay si weyn isu hayaan.

Taas waxay dhalisay in Trump iyo Soomaalida ay si weyn isu bartaan, inkastoo xilligii ololaha uu ku jiray xitaa uu si aad ah u hadal hayay dadka Soomaalida ee ku nool Minnesota.

Qaar ka mid ah warbixinnadaas sannadkan ayaan halkan idiinkugu soo gudbineynaa:

 

Bilowgii bishii January ee sannadkan, maamulka madaxweyne Donald Trump ayaa la sheegay in tan iyo markii uu xafiiska uu la wareegay, xoojiyay weerarrada xagga cirka ah ee ay Mareykanka ka fuliyaan dalka Soomaaliya, waxaana la filayaa in sannadkan 2019-ka ay sare u sii kacaan.

La taliyaha dhinaca amaanka ee madaxweynaha Mareykanka John Bolton ayaa mar uu bishii Disembar jeedinayay khudbad ku saabsaneyd howlgalladooda ka dhanka ah kooxaha ay dagaalka kula jiraan ee ku sugan Afrika waxa uu yiri: “kooxaha argagixisada ah ee ka howl gala Afrika waxay si joogto ah u bartilmaameedsadaan muwaadiniinta Mareykanka ah iyo danaha dowladdeenna”.

Waxa uu si cad u sheegay ineysan marnaba khafiifin doonin dagaalka ay kula jiraan kooxaha mintidiinta ah, sida xarakada Al-Shabaab ee fadhigeedu yahay dalka Soomaaliya, oo xiriir toos ah la leh ururka Al-Qaacida.

Weerarrada qaarkood ayaa galaaftay nolosha dagaallameyaal fara badan oo isku meel ku sugnaa.

 

13/02/2019 -Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump iyo Ilhaan Cumar ayaa marar badan warbaahinta isu mariyay hadallo kulul iyo eedo.

Xilligii ugu kululeyd waxay ahayd bishii February oo Trump ugu baaqay Ilhaan inay is casisho, ka dib markii ereyo lagu tilmaamay “Yuhuud naceyb” ay ku qortay barteeda Twitter-ka.

Ilhaan Cumar ayaa sheegtay in xildhibanaada Aqalka Kongreska ee Mareyknka ee taageersan Israa’iil ay dhaqaale ka helaan kooxaha taageera Yuhuuda, arrintaasi oo sababtay in Gudoomiyaha Kongreska, Nancy Pelosi ay sheegtay in Ilhaan looga fadhiyo inay raaligeli ka bixiso hadalkaasi.

 

Trump ayaa xilligaas sheegay in Yuhuud naceybka aysan melnana uga banaaneyn Maraykanka.

“Ilhan Cumaar hadalkii ay tiri waa mid aad u xun, waxayna ila tahay inay iska casishaa aqalka Kongreska ama ay ugu yaraan isaga tagtaa xubinimada guddiga arrimaha dibadda ee aqalka,” ayuu yiri Trump.

Wixii intaas ka dambeeyay waxaa jirtay marar dhowr ah oo uu Trump wax ka sheegay Soomaaliya iyo Soomaalida. Haddaba dhowrkan qodob ee soo socda ayaan ku eegeynaa hadalladii iyo ficilladii Trump ee ku wajahnaa Soomaaliya iyo Soomaalida:

 

Bishii July ee sannadkan waxaa Trump lagu eedeeyay in uu soo xigtay hadallo ay warbaahinta adduunka ay aad u faafisay oo uu ka sheegay afar xildhibaan oo ku jira Aqalka Congress-ka Maraykanka, oo ay ka mid tahay Ilhaan Cumar, oo asal ahaan ka timid Soomaaliya.

Inkastoo xiriirka ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Maraykanka uu yahay mid diirran, islamarkaana uu sii kordhayo iskaashiga labada dal, haddana waxaa markii ugu horreysay arrintaas la sheegay in ay muujisay fikradaha uu madaxweynaha Maraykanka ka qabo Soomaaliya.

Trump ayaa xildhibaanadan dumarka ah u sheegay in ay ku laabtaan dalalkii ay ka yimaadeen, islamarkaasna ay wax ka qabtaan dhibaatooyinka heysta.

Mid ka mid ah xildhibaanada oo ah Ms Ocasio-Cortez ayaa ku dhalatay isbitaal ku yaala degmada Bronx ee New York, halkaas oo qiyaastii 12 mile u jirta meesha uu Donald Trump ku dhashay.

Wuxuu yiri “Waa arrin xiiso leh in aan aragno xildhibaanada dumarka ah ee xisbiga dimoqoraadiga, kuwaas oo asal ahaan ka yimid dalal dowladahooda ay gebi ahaanba yihiin kuwa masiibo ah, oo musuqmaasuq hareeyay, ahna kuwa ugu xun ee adduunka ka shaqeeya, in hadda dadka reer Ameerika oo ah kuwa ugu awoodda badan adduunka ay u sheegeen sida wax loo maamulo”.

 

Bishii October ee sannadkan, bogga intarneed-ka ee telefishinka CNN ayaa daabacay xog laga soo xigtay buug ay qoreen weriyeyaal ka tirsan wargeyska The New York Time oo ka hadlaya sida madaxweyne Trump uu u neceb yahay qaxootiga ka yimid Soomaaliya.

Sida lagu sheegay qoraalkaasi CNN, bilihii ugu horreeyay ee xukunka madaxweyne Trump ayaa madaxweynuhu wuxuu Elaine Duke oo xilligaasi ahayd kusimaha arrimaha ammaanbka gudaha weydiiyay sababta ay u mamnuuci la’dahay qaxootiga ka imaanaya Soomaaliya.

Xogta ku saabsan arrintan ayaa lagu daabacay buug cinwaan looga dhigay “Colaadda Xudduudda”, waxaana buuggan lagu muujiyay aragtida madaxweyne Trump ee ku aadan dadka ka soo jeeda Soomaaliya, kuwaasi oo uu arko in ay halis ku yihiin Mareykanka.

Sida lagu xusay buuggaasi, “madaxweyne Trump iyo Stephen Miller ayaa u muuqda in si gaar ah ay u neceb yihiin Soomaalida, waxa ayna Soomaalida tusaale u soo qaadan jireen mar kastaa oo ay doonayaan in ay muujuyaan halista dadka qaxootig ahi ay u keeni karaan Mareykanka.

 

Bishii November, madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa bartiisa Twitter-ka ku weeraray safiirkii hore ee Mareykanka ee dalka Ukraine, Marie Yovanovitch, iyadoo ay socoto dhegeysiga caddeymaha xil ka qaadista.

“Meel walba oo ay Marie Yovanovitch aadday way xumaatay,” Mr Trump ayaa sidaasi qoray. “Waxay ka bilowday Somalia, sidee ayay taasi noqotay?”

Mar arrintaasi wax laga weydiiyay, ayay Ms Yovanovitch ugu yeertay “mid hanjabaad ah”.

Mr Trump ayaa mar kale soo jawaabay, isagoo ku doodaya in qoraalladiisa aysan ahayn kuwo hanjabaad ah.

Wuxuu weriyeyaasha u sheegay inuu daawaday qeyb ka mid ah dhegeysiga caddeymaha, isla markaana uu u arko mid sharaf dhac ah.

Madaxweyne Trump ayaa haatan wajahaya mooshin xil ka qaadis ah kaas oo haatan sugaya in aqalka senate-ka ee dalkaas ay ansixiyaan.

Xigisho bbc.com/somali/