Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo soo gaaray Muqdisho:- (Sawiro)

December 25, 2019 (Awdinle Online) –Madaxweynaha dowlada goboleed koonfur Galbeed Somaliya Cabdi Casiis Xasan Maxamed Lafta Gareen ayaa soo gaaray Magaalada Muqdisho.

Wafdiga Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa ka soo ambabaxay Magaalada Baydhabo, waxaana Garoonka Aadan Cadde ku soo dhaweeyay masuuliyiin kala duwan.

dowlada goboleed  Koonfur Galbeed Somaliya ayaa dhawaan u dabaaldegay sanad guurada koowaad ee ka soo wareegatay markii la doortay Madaxweynaha talada haaya ee dowlada goboleed.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa dhawaan wuxuu ka hadlay Arrimaha doorashada dalka, lamana oga sababta uu yimid Muqdisho.

Warar Sugan Kala Soco   Awdinle.com