Madaxweyne Deni oo xaqiijiyay sababta loogu dhagan yahay maamulkiisa

December 25, 2019 (Awdinle Online) –Madaxweynaha Puntland Saciid C/llaahi Deni ayaa sheegay in mudadii u dambeysay ay xoogga saareen sidii loo tayeyn lahaa Ciidamada, isagoo sheegay inuu ku faraxsan yahay sida ay wax uga qabsoomeen qorshihii dowladda.

Saciid Deni ayaa sheegay inay rajeynayaan in la gaaro hadafkii la lahaa oo ay ugu horeyso in Puntland hesho ciidan shacabkeeda iyo dowladeeda isku haleyn karaan oo ay ku seexan karaan.

Waxaa uu sheegay inay ka shaqeeyeen in Ciidanka uu helo agabkiisa iyo xuquuqdiisa, wixii intaa ka dambeeya ciidanka lagula xisaabtamo waajibaadkooda, lagana rabo ciidanka inay ka qeyb qaataan horumarka dalka iyo inay amniga guud ilaaliyaan.

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in muddooyinkii u dambeeyay lagu mucaaradadayay in aanay bixin mushaarka, balse ay si joogto ah u siiyaan Ciidamada, isagoo weydiiyay Taliyeyaasha inay joogto u helaan mushaarka.

“Muddadii hada la joogay waxaa dad fara badan oo ladan dalka jooga waxay nagu mucaaradayeen mushaaraadka idinka idin qeybino, mushaarkiina joogto uma heshaan Taliye, dowladda lacag ma bixiso la leeyahay lacagta inay baxday idinka og”ayuu yiri Saciid Deni oo hadalkan ka sheegay kormeer uu ku tagay Taliska Ciidanka Daraawiishta Puntland.

Iyadoo dhowaan ciidamo ka tirsan kuwa Puntland ay gadood ka sameeyeen gudaha maamulkaasi, kuwaas oo ka cabanayey mushaar la’aan.

Warar Sugan Kala Soco   Awdinle.com