Madaxweyne Isaias Afwerki  Oo safar Ku Tegay Itoobiya

December 25, 2019 (Awdinle Online) –Madaxweynaha Ereteriya Isaias Afwerki ayaa subaxnimadii hore ee saaka waxaa uu gaarey  Caasimada Itoobiya ee Addis Ababa,halkaas oo booqasho rasmi ah uga bilaabatey.

Markii uu ka  degay gegada diyaaradaha Caalamiga ah ee Bole International Airport, ayaa waxaa soo dhoweeyey Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Dr Abiy Ahmed iyo madax kale oo ka tirsan dawladda Itoobiya.

Inta uu ku sugan yahay dalka Itoobiya, Madaxweynaha Ereteriya waxaa la filayaa inuu la kulmo Madax ka tirsan dowladda Itoobiya si ay uga wada hadlaan arrimaha labada dal iyo gobolka.

Dowladaha Itoobiya iyo Ereteriya ayaa kala saxiixday heshiis nabadeed kadib magacaabistii Dr Abiy Axmed ee loo magacaabay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya bishii Abriil ee sanadkii la soo dhaafay ee 2018.

Iskaashiga dhexmaray  labada dal, oo ay ka mid tahay dib-u-dejinta isgaarsiinta iyo isku xirka gaadiidka iyo dib u furista safaaradaha maadaama labada dowladood muddo ka badan 20 Sano uu dagaal ka dhaxeeyey.

 Warar Sugan Kala Soco   Awdinle.com