Waa maxay sababta Ahlu Sunna Waljamaaca uga hor timid shuruudaha guddiga doorashada Galmudug

December 25, 2019 (Awdinle Online) –Madaxda Sare ee  Ahlu Sunna Waljamaaca ayaa si weyn uga horyimid shuruudihii uu xalay soo bandhigay guddiga farsamada maamul u dhisida Galmudug, kuwaas oo la xariiray ka mid noqoshada baarlamaanka.

War ka soo baxay Ahlu Sunna ayaa lagu sheegay in shuruudaha guddiga aysan quseyn 20-ka xubnood ee ay dhowaan soo xushay.

Sidoo kale Ahlu Sunna ayaa shaacisay inay xor u tahay xubnaha laga siiyey baarlamaanka labaad ee Galmudug, taasina ay ku cadahay heshiiskii ay la gashay dowladda federaalka oo uu garwadeen ka ahaa Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.

Qoraalka ka soo baxay Ahlu Sunna ayaa sidoo kale lagu sheegay in guddiga doorashada Galmudug ee ay magacawday wasaaradda arrimaha gudaha xukuumadda federaalka Soomaaliya aysan weli aqoonsaneyn, islamarkaana aysan ku laheyn wax matalaad ah.

Ahlu Sunna  ayaa Ugu dambeyn waxa ay ugu baaqday dowladda dhexe inay ilaaliso heshiiska labada dhinac, iyada oo tilmaamtay in dhankeeda ay sidiisii u fulisay.

Arrintaan ayaa ku soo beegmeysa, iyadoo xalay guddiga farsamada uu soo saaray 11 qodob oo laga doonayo qofka noqonaya Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Galmudug, iyadoo qodobadaasi ay saamaynayan dhammaan 89-ka Xildhibaan ee Baarlamaanka Galmudug.

Ilaa iyo hada Dowladda Somaliya ayaan ka hadlin liiska ay soo saareen Ahlusunna kuwaa oo ay kusoo bandhigtay 20 ruux oo ay ugu tala galeen in ay uga mid noqdaan Barlamaanka Galmudug.

Dhuusamareeb haatan waxaa  ka socota soo xulista Xildhibaanada Baarlamaanka cusub ee Galmudug.

Warar Sugan Kala Soco   Awdinle.com