Weerar Gaadmo ah oo Caawa ka dhacay Dhuusamareeb

December 25, 2019 (AO) – Wararka caawa naga soo gaaraya Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Maamulka Galmudug ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaas ay ka dhacdey Israsaaseyn mudo kooban socotey.

Israsaaseynta ayaa u dhexeysey kooxo hubeysan iyo Ilaalada Agaasimaha Arrimaha Bulshada maamulka Gobolka Banaadir Maxamed Axmed Cantoobo oo ku sugan Dhuusamareeb.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in dabley aad u hubeysneyd ay rasaas ku fureen Agaasime Cantoobo xili uu sii galayay Guri uu ka deganaa Dhuusamareeb, waxaase la sheegey in dabley ay doonayeen in ay si fudud u khaarajiyaan.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in Israsaaseynta dhexmartay ragga weerarka soo qaaday iyo Ilaalada Agaasimaha Arrimaha Bulshada Gobolka Banaadir aysan geysan wax Khasaaro ama waxyeelo ah.

Cantoobo ayaa ka mid ah dadka ku howlan dhismaha maamulka Galmudug, isagoona maalmihii dambe ku sugnaa Magaalada Dhuusamareeb.