Askari shan kun Shillin Somali  u diley wiil kalluumeysato ah:- (Sawiro)

December  26, 2019 (Awdinle Online) –Mid ka mid ah ciidamada booliska Hirshabelle ayaa ku diley gudaha suuqa Hantiwadaag ee magaalada Jowhar wiil  dhalinyaro ah oo ka mid ahaa kalluumeysatada magaalada Jowhar.

Dad goobjoogayaal ah ayaa sheegay in askariga dilka geystey uu lacag baad ah xilli uu  wiilka la diley keenay suuqa mallaay ama kalluun uu ka soo jilaabtay wabiga Shabelle.

Askariga dilka geystey ayaa la sheegay inuu ka baxsaday goobta uu dilka ka dhacay waxaana baadigoob ugu jira ciidamada booliska magaalada Jowhar.

Dad ka careysan dilka wiilkan oo wiilkan lagu sheegay Yaasiin Muxumad  Maxaad oo 33 jir ah ayaa waxaa ay banaanbaxyo ka dhigeen wadooyinka magaalada Jowhar iyagoo hakad muddo kooban ah ku yimid isu  socodka dadka iyo gaadiidka qeybo ka mid ah magaalada Jowhar.

Wiilka dhalinyarada  ah ee lagu dilay maanta magaalada Jowhar ayaa la sheegay in sanadkii aynu ka soo gudubnay wiil ay walaalo  ahaayeen oo la oran jirey Cabdicasiis  Muxumad  Maxaad  uu ku diley mid ka mid ah ciidamada milatariga xaafada Horseed ee magaalada Jowhar.

Wiilka la diley oo magaciisa lagu sheegay Yaasiin ayaa noqonaya qofkii  labaad  oo hal qoys ka soo jeeda oo ay ciidamada dowladu ku dilaan magaalada Jowhar muddo labo sano gudahood ah.

Warar Sugan Kala Soco   Awdinle.com