BOOSAASO IYO GAALKACYO OO MAANTA GO’AN ISU’SOCODKA GAADIIDKA

December 28, 2019 (Awdinle Online) –Gaashaanle Sare Xuseen Cali Maxamuud  Taliyaha Qeybta Booliiska gobolka Bari, ayaa sheegay in ay hakiyeen isu’socodka gaadiidka laamiga dheer ee Boosaaso iyo Gaalkacyo, kadib markii ay go’day buundada Ciise Goxosh oo u dhexaysa tuulooyinka Kalabayr iyo Yalho ee gobolka Bari.

Taliyaha ayaa sheegay, in Buundada go’day ay ku taallo buur dhexdeed biya-mareen ah oo aan lahayn dhinac looga leexdo, sidaasi darteedn ay hakiyeen dhammaan isu’socodka gaadiidka isticmaala laamiga dheer ee xiriiriya gobollada Puntland, si looga hortago shilal halkaasi ka dhaca.

Gaashaanle Sare Xuseen Cali Maxamuud, ayaa sidoo kale sheegay in buundadaasi go’an xalay la geeyay qalabkii iyo shaqaalihii dhismaha, islamarkaana saaka lixdii aroornimo ay ka bilaabatay hawsha dhismaha, oo sida injineeradu ku qiyaaseen socon doonta in ka badan 7-ba saacadood.

Dhinaca kale, Taliyaha ayaa sheegay in ay si ku meel gaar ah u raadinayan, meel kale oo ay mariyaan gaadiidka sida dadka xanuunsan, ee aan sugi Karin mudada hakadka la geliyay laamiga dheer.

Warar Sugan Kala Soco   Awdinle.com