DEG DEG: Golaha shacabka oo meel-mariyey sharciga doorashooyinka dalka

December 28, 2019 (Awdinle Online) –Xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa goor dhow meel-mariyey sharcigii doorashooyinka qaranka heer federal, ee dhowaanahan ay ka doodayeen.

Sida aan xogta ku helnay, ka hor inta aan la meel-marin sharciga, ayaa waxaa saxitaan lagu sameeyay labo qodob oo ka hadlayay mudo kordhin loo sameeyo barlamaanka iyo arrimaha Somaliland.

Sharciga ayaa waxaa u codeysay 171 xildhibaan.

Warar Sugan Kala Soco   Awdinle.com