Faafaa Faafahin: dheeraad ah oo ka soo baxaya Qaraxii Ex-Koontarool

December 28, 2019 (Awdinle Online) –Qarax Ismiidaamin ahaa oo saaka ka dhacay Ex-Koontarool Afgooye ayaa la sheegayaa in uu ka dhashay.Khasaare xoog leh .

Qaraxa ayaa lala beegsaday Xafiiska Canshuuraha Wasaaradda Maaliyadda ee Xukuumadda Soomaaliya.

Inkasta oo dadka dhintay iyo kuwa dhaawaca ah aan wali la caddeyn haddana waxaa la sheegayaa in ay  badanyihiin.

Khasaaraha ugu badan waxaa uu gaaray Bajaajleyda iyo dadka ay wadeen, Ardeyda u socotay Iskuullada iyo Gaadiidka Dadweynaha ee xilliga Qaraxa goosanayay Waraaqaha Soostada loo yaqaanno ee ay magaalada ku maraan.

Kaalin shiraal oo ku dhow goobta uu qaraxa ka dhacay ayuu dab qabsaday waxaana ay saameyn ku yeelatay Gaadiid badan oo goobta yaallay.

Warar Sugan Kala Soco   Awdinle.com