Guddoonka Golaha Shacabka oo ka tacsiyadeeyay qaraxii maanta

December 28, 2019 (Awdinle Online) –Xildhibaannada Golaha Shacabka oo maanta yeeshay kulankooda 27-aad ee kalfadhiga lixaad ayaa waxa ay marka hore ka tacsiyadeeyeen Qaraxii Argagixisadu maanta ka geysatay isgoyska Afgooye, halkaasi oo ay ku xasuuqeen dad rayid ah.

Guddoonka Golaha Shacabka ayaa dadkii halkaas ku shahiiday Alle uga baryay in naxriistii jano ka waraabiyo kuwii ku dhaawacmayna u bogsiimo, waxaana ay Xukuumadda ka dalbadeen in gurmad caafimaad oo deg deg ah loo sameeyo dadka ay waxyeelada ka soo gaartay qaraxan .

Warar Sugan Kala Soco   Awdinle.com