Qarax ka dhacay Ex- Koontarool Afgooye

December 28, 2019 (Awdinle Online) –Wararka naga soo gaaraya Ex- Koontarool Afgooye ayaa waxaa ay sheegayaan in Gaari laga buuxiyay walxaha qarxa oo uu waday qof naftii hore ah uu ku qarxay Ex-Koontarool Afgooye.

Saraakiil ka tirsan Hay’adaha amaanka Dowladda Soomaaliya ayaa u sheegay Awdinle Online in qeybta Maaliyadda ee Ex-koontarool Afgooye uu ka dhacay qaraxa Ismiidaaminta ah.

Gaadiidka Gurmadka deg degga ah ayaa ku baxay goobta uu qaraxa ka dhacay iyada oo ilaa hadda uusan kala caddeyn khasaraaha ka  dhashay.

Warar Sugan Kala Soco   Awdinle.com