Falanqeyn ku Saabsan Sharciga Doorashada Cusub

Ugu horreyn waxaa xusid mudan in tallaabada Barlamaanka Federaalka ka qaaday mashruuci sharciga doorashada ee Golaha Wasiiradda soo ansixiyay, isla markaana u saaray guddi soo diyaariyay qabyo qoraal cusub ay siisay shacabka Soomaaliyeed fursad ay wax ka fahmaan doodda sharciga doorashada. Waxaa habbooneyd in Barlamaanka Federaalka siiyo waqti aqoonyahannada soomaaliyeed ku soo darsadaan qabyo qoraalka cusub, kaddibna la dhegeysto ka hor akhrista 2 ee Barlamaanka Federaalka, taaso xildhibannada siin laheyd aqoon iyo macluumaad ay ku hagaagiyaan sharciga doorashada. Ma dhicin, haseyeeshe waa arrin ilaa maanta loo baahan yahay.

Waxaan kaloo jeclahay inaan u hambalyeeyo Xildhibaan Maxamed Sheikh Cosman Jawaari, ahaana Guddoomiyihii hore ee Barlamaanka Federaalka oo ah xildhibaanka soo darsay in sharciga qabyo qoraalka ah ka wajaabayo si buuxda dhammaan mabaadi’da iyo tilmaanaha iyo nuxurka dastuurka federaalka ku baahsan sida nidaamka dimoqradiga ah, habka Federaalka, kala saaridda awoodda Dowladda, xuquuqda iyo ilaalinta muwaadinka, habka tartanka xisbiyada badan, xuquuqda sinnaanta waajibaadka iyo xuquuqda muwaadiniinta, ilaalinta xorriyada, xaqa doorashada , waafaqsanaanta habka qoraalka sharciga xagga fahamka, rasada, is burrin la’aanta, iyo dhammeystirnaanta. Waxaan shaki ku jirin sharciga qabyo qoraalka ka soo baxay akhriska 2aad uu aad uga fiican yahay kii Guddiga Barlamaanka federaalka soo diyaariyay, isla markaa waxaa qabaa haddii sharciga qabyo qoraalka ugu dambeeya la siiyo waqti 2 bilood oo dood ah la soo saari lahaa sharci ka wax badan ka wanaagsan kan hadda loo codeynayo.
Sharciga la ansixiyay wuxuu u baahan yahay turxaan bixin, saxitaan, iyo hagaagin dheeraad ah.

Si kastaba, waxaa muhiim ah in la shacabka Soomaaliyeed loo caddeeyo in sharciga laga doodayo uusan noqon doonin dhaqangal doorashada 2020/2021 madaama ay jiraan caqabado badan ee hortaagan hirgelintiisa. Waxaa doodda iyo ansixinta sharciga cusub ee doorashada barbar socda talojeedin haysata taageero ballaaran ee ah in habkii doorasho ee 2016 oo la hagaajiyay loo adeegsado doorashada 2020/2021. Sidaa darted, waxaa muhiim ah in xoogga la saaro aqbalaadda habka doorashada 2016 ee la hagaajiyay si dhaqso loo guda galo ololaha doorashada bisha Febraayo 2020 kaddib.

Doorashada Madaxweynaha JFS

Madaama nidaamka dowliga ah ee Soomaaliya u la mid yahay kan dowladda talyaaniga, waxaa tixgelin mudan in doorashada a Madaxweynaha Soomaaliya la mid noqoto sida kan talyaaniga si Madaxweynaha Dowladda Federaalka ugu tiirsanaan Xisbi ama qabiil, isla markaana xilka Madaxweynaha uga mid noqon Fulinta oo Kansar ku noqotay dowladnimada Soomaaliya.
Madaxweynaha Talyaaniga waxaa doorta:
1. Labada (2) aqal ee Barlamaanka talyaniga ka kooban yahay;
2. wakiilo ka socda gobollada dalka oo dhan oo ay soo doortaan golayaasha Gobollada. Gobol kasta waxaa laga soo wakiilanayaa 3 qofood marka laga reebo Valle D’Aosta oo leh 1 wakiil. Inkastoo senatarrada Aqalka Sare ee Barlamaanka Soomaaliya ka kooban yihiin 3 xubnood oo matalaya gobollada haddana kordhinta tiro kale waxay xoojineysa ka qayb galka dadweynaha siyaasadda gaar ahaan doorashada.

Caqabada hortaagan fulinta sharciga doorashada 2019 waxaa ka mid ah:
1. In qodobbadiisa qarkood ka hor imaanayaan dastuurka federaalka;
2. Inay adag tahay is waafajinta qoondada haweenka 30%, dhawrista awood qaybsiga 4.5, ku dhaqanka nidaamka xisbiyada badan, sinnaanta muwaadiniinta, matalaadda xildhibaannada iyo tirada shacbiga, deegaameynta doorashada, iyo tirakoobka shacabka;
3. In Soomaaliland sheegato gooni u istaag isla markaana Golaha Barlamaanka Federaalka ku jiraan xildhibaanno matalaya Soomaaliland, oo saameynaya natiijada doorashada soomaaliya inteeda kale;
4. In la helo tiro koob rasmi ah ee shacabka soomaaliyeed ee Dowladda Federaalka mataleyso, isla markaana ka diiwaangeliyo codbixiyayaasha soomaaliyeed ee xaqa u leh inay cid doortaan lana doorto;
5. Inuusan jirin dastuur dhammeystiray oo shacabka soomaaliyeed ansixiyay ama diyaar u ah in shacabka soomaaliyeed la hordhigo mustaqbalka;
6. Inuusan jirin sharciga xisbiyada oo dhammeystiran iyo xisbiyo si buuxda loo diiwaan geliyay. Xisbiyada ma dhaafsiisna magaalada Muqdisho taaso loo baahan yahay in laga gudbo inta aan sharciga doorashada la dhaqangelin;
7. In nidaamka Federaalka weli qabyo yahay, taaso kaalin muhiim ah ku leh. Sharciga doorashada wuxuu dood ka furaya qaybsiga iyo habka doorashada Xildhibannada Aqalka Sare;
8. Inaan weli la dhisin maxkamado iyo hab maamul federaal iyo dowlad goboleedyo iyo dowlado hoose ee maamulayo doorashada dalka;
9. In sharciga doorashada oggolanayo diiwangelinta qof kasta oo soomaali ah si cod u bixiyo, haseyeeshe musharraxa waa inuu ahaato qof somali ah ee u dhashay Jamhuutiyadda Federaalka Soomaaliya, arrintaaso farqi weyn u dhexeeyo.
10. Inaan sharciga doorashada lagu caddeyn hay’adaha baarista ku leh hab maamulka Guddiga madaxbannaan ee doorashada Federaalka xagga fulinta sharciga iyo hab maamulka wanaagsan sida ilaaliye Guud ( general auditor) oo guddiga raacsan.

Waqti kororsi Barlamaanka Federaalka iyo Madaxweynaha JFS

Hay’adaha Dowladda federaalka Soomaaliya oo kala ah Barlamaanka Federaalka iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya midkoodna ma laha awood ay waqti ku kororsadaan ama dib u dhigaan doorasho. Ma jiro qodob dastuuri ah ee arrintaas u oggolaanaya, isla marka mabda’a daneysi diidka ( conflict of interests) ayaa u diidaya inay awooddaas hadda sameystaan.

2daas hay’adood waxay leeyihiin muddo xileed ku eg 4 sano oo xiran oo aan la kordhin karin. Soo jeedinta Professor Jawaari oo aheyd in Barlamaanka Federaalka sii jiro inta Barlamaanka kale laga dooranayo waxay albaabada u fureysa waqti kororsi aan sharci aheyn, isla markaana tumaati, curyaamin, lugooyo ku tahay hirgelinta nidaamka dimoqradiga ah oo tiirkiisa asaasiga yahay doorashada waqtiyeysan oo aan marna dib looga dhicin.
Sidaa darted, waxaa habboon in sharciga doorashada laga saaro qodobka 53 aad.
Waxaa kaloo muhiim ah inaan guddiga madaxa bannaan ee doorashada (DMDQ) laga sugin waqtiga doorashada ee sharciga doorashada lagu qoro in doorashada Barlamaanka Federaalka dhacayso maalinta talaadada ah ee ugu dambeysa bisha Nofember sannadka ugu dambeeya ama ku dhammaanayo muddo xileedka barlamaanka federaalka, isla markaana xildhibannada cusub la dhaarinayo arbacada ugu dambeysa ee bisha Disember ee sannadka muddada Barlamaanka Federaalka hore ku dhammaaday.
Madaxweynaha waxaa la doorashada khamiista 1 ee bisha Febraayo dhammaadka sannadka ugu dambeeya muddada Madaxweynaha xilka haya ku eg tahay, wuxuuna shaqadiisa bilaabaya khamiista 2 ee bisha Febraayo. Arrintaas waxay meesha ka saareysaa in GMDQ laga sugo ku dhawaaqidda waqtiga doorashada iyo muran iyo shaki ka taagnaado waqtiga doorashada.

Waxaan rajeynaya in sharciga doorashada dib loogu noqon doono marka la dhammeystiro dastuurka qabyada ah, isla markaana la ansixiyo sharciga Xisbiyada.

Qore: Dr. Maxamud M Culusow