Gudoomiye Mursal iyo sheekh sharif oo kulan xasaasi ah Muqdisho ku yeeshay

Madaxda Madasha Xisbiyada Qaran oo uu hoggaaminayo Guddoomiye. Sh. Shariif Sheekh Axmed iyo Madaxweyne hore Xasan Sheekh Maxamuud ayaa caawa kulan casho ah la yeeshay Guddoomiyaha Baarlamanka Soomaaliya Mudane Mohamed Mursal Sheek Cabdiraxmaan.

Guddoomiye Mursal oo madaxda Madasha ku casuumay hoygiisa ayay ka wada hadleen xaaladda dalku marayo iyo dareenka Xisbiyada ku mideysan Madasha ka qabaan amniga oo sii xumaanaya iyo jahwareerka Siyaasadeed ee u dhexeeya Xisbiyada, dowladda iyo maamul goboleedyada dalka.

Waa kulankii ugu horeeyey oo ay yeesheen Madaxda Madasha Xisbiyada Qaran iyo Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan,iyada oo Madaxda Madasha ay kulmamo xiriir ah yeelanayeen.