Baarlamanka Federaalka ayaa meel mariyey Miisaaniyada Dowladda ee Sanadkan 2020

December 31, 2019 (Awdinle Online) -Xildhibaanada labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta si wadajir u ansixiyey Miisaaniyadda Sanadka 2020, kaasi oo maalmihii la soo dhaafay ay ka doodayeen labada gole.

Waxaa ogolaatay miisaaniyadan 188, hal xildhibaan ayaa diiday halka ay labo xildhibaan oo kalena ay ka aamuseen miisaaniyadda 2020.

Ansaxinta miisaaniyadaan ee labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ku soo beegmaysa maalintii ugu danbaysay sanadka 2019, si sanadka 2020 oo beri ka bilaabanaya loogu shaqeeyo miisaaniyadda cusub.

Waxaa xusid mudan in miisaabiyadan badabkeed ay tahay tiro xisaabaad ah oo u badan odoros ama mala awaal saadaalin ku saleysan.