Maxay ka dhigan tahay sheegashada Al Shabaab ee qaraxa Ex-control ?

December 31, 2019 (Awdinle Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa xalay sheegatay mas’uuliyadda weerarkii ay dadka badan ku dhinteen ee maalintii sabtidii ka dhacay Ex-Kaantarool Afgooye ee magaalada Muqdisho.

Hadalka Al-Shabaab ayaa yimid saacado un kadib markii hay’adda sirdoonka Soomaaliya ee NISA ay barteeda twitter-ka ku sheegtay inay madaxda qaranka u gudbisay warbixin bilow ah oo tilmaamaysa in dal shisheeye uu “qorsheeyey” qaraxa.

Hadaba maxay ka dhigan tahay in Al-shabaab ay sheegato weerarkan oo ay ku dhinteen in ka badan 80 qof ?, muxuuse yahay xidhiidhka ka dhaxayn kara sheegashadooda iyo warkii ay hore NISA u soo saartay?

Eng. Ismaaciil Daahir Cismaan oo hore u soo noqday taliye ku xigeenka hay’adda NISA, kuna sugan magaalada Columbus ee gobolka Ohio ee dalka Maraykanka ayaa arrintaan falanqeyn ku sameeyey.

Eng. Ismaaciil ayaa ugu horeyn sheegay in sheegashada Al-Shabaab ee qaraxaas uu ka fahmay laba qodob oo kala ah:

1) – Markii ugu horeysay oo ay Al-Shabaab qirtaan khasaaro intaas la eg oo ay u geyteen dad shacab ah,  iyadoo markii hore looga bartay inay ka aamusaan sida middii Zoobe iyo Shaamow oo aysan jirin ilaa hadda cid sheegatay.

2) – Markii ugu horeysay Al-Shabaab oo la arkay iyagoo ka tacsiyeynayo dadkii Shacabka ahaa oo ay iyaga ku laayeen qaraxaas isla markaasna uu bar tilmaameedkooda ahaa labadii qof ee Turkida ahaa oo ay halkaas ku dileen.

Mar la waydiiyey Ismaaciil waxa keenay in Al-Shabaab ay hadda sheegtaan Mas’uuliyadda weerarkaas 48 saac kadib, ayuu sheegay in Al-Shabaab lagu qasbay inay sheegtaan mas’uuliyadda weerarka isagoo taas sabab uga dhigay warbixintii uu qoray wargeyska dalka Turkiga kasoo baxa ee lagu sheegay in Imaaraadka Carabta ay ka dambeyso weerarkaas, iyo sidoo kale warbixintii ay soo saartay hey’adda nabad-sugidda Qaranka ee NISA ay iyadana lagu xusay in dal shisheeye uu ku lug leeyahay weerarkaas.

Halkan ka Dhegeyso

https://www.voasomali.com/a/5226530.html