Dowladda Sucuudiga oo war kasoo saartay qarixii ka dhacay Ex-Control Afgooye.

January 01, 2019 (Awdinle Online) – Golaha Wasiiradda boqortooda Sacuudiga ayaa si adag u cambaareeyay weerarkii argagaxisada ahaa ee 28-kii December, 2019 ka dhacay Muqdisho caasimadda Soomaaliya gaar ahaan Ex-Control Afgooye.

Golaha Wasiiradda Sacuudiga ayaa sidoo kale sheegay in ay tacsi u dirayaan eheladda dadkooda ku waayey musiibadaas oo ay ku tilmaameen mid argagixo.

“Sacuudiga wuxuu diidan yahay nooc walba oo fowdo, xagjirnimo iyo argagixiso ah,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay shirka Golaha Wasiirada.

Si kastaba ha ahaatee, boqorka Sacuudiga Carabiya ayaa gudoomiyey shirka oo ka qabsoomay magaaladda caasimadda ah ee Riyadh, sidda ay baahisay warbaahinta dowladda.

Ugu yaraan 90 qof oo shacab u badan ayaa ku naf-waayey weerarka oo loo adeegsaday gaari xamuul oo walxo qarxa lagu oo rakibay