Waa Maxay Sababta Rasmiga ee loo xirey Fanaanka Khadar Keeyoow

December 02, 2019 ( Awdinle Online) – Warar hada nasoo gaarey ayaa sheegaya in fanaanka caanka ah ee Khadar Keeyow lagu xiray magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.

Laanta Socdaalka iyo Jinsiyaddaha ee dowladda Itoobiya ayaa la sheegay in Khadar Keeyow ay ka qabatay garoonka diyaaradaha magaalada Addis Ababa ee Bole.

Faah faahin dheeri ah weli lagama hayo waxa ay dowladda Itoobiya u xirtay fanaanka balse warar soo baxaya ayaa sheegaya in lagu heysto fanaanka Baasaboorka uu ku yimid iyo midka uu ku dhoofayey oo kala duwanaa.

Khadar Keeyow ayaa mudo saddex cisho ah ku xiran xabsi ku yaala magaalada Addis Ababa.

Waxaa lagu soo waramayaa in maalmaha soo socda lasoo taagi doono maxkamad, waxaana loo qabtay qareenadii difaaci lahaa fanaanka.

In kastoo weli la shaacin waqtiga rasmiga ah ee lasoo taagi doono, balse ilo ku dhaw dhaw ayaa sheegay in dowladdu qorsheynayso in lagu maxkamadeeyo Khadar magaalada isla magaaladda Addis Ababa.