2-Ruux Oo Weeraro La Damacsanaa Garoonka Adan Cadde Oo Gacanta lagu Dhigay

January 4, 2020 (Awdinle Online) –Ciidamada amniga Garoonka Aadan cadde ee magaalada Muqdisho ayaa gacanta ku dhigay labo ruux oo looga shakiyay iney damacsanaayeen falal amni dar oo ay ka geystaan gudaha Garoonka.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa inoo xaqiijiyay in Labadan ruux oo laga shakiyay ay ciidanka ammaanka ay ku qabteen iridka hore ee laga Garoonka diyaaradaha Aadan cadde,waxaana xilligii la qabanayay ay wateen Labo boorso oo la ogeyn waxa ugu jiray.

Ciidamada amniga ayaa hadda baaritaan ku haya Labadaas ruux,kuwaas oo shaki badan hareeyay.

” Ciidanka Ammaanka Garoonka ayaa ka shakiyay labada ruux gacanta ayayna ku dhigeen,hadda baaritaan ayaa ku socda lama oga xaqiiqda dhabta ah,” ayuu yiri mid ka mid ah Saraakiisha amniga ee Garoonka Aadan cadde oo magaciisa qariyay.

Ururka Al-Shabaab ayaa marar badan isku dayay iney weeraro khal khal gelin kara amniga ka geystaan gudaha Garoonka Aadan cadde ee magaalada Muqdisho inkastoo ciidanka amniga ay ka hortageen. 

Warar Sugan Kala Soco   Awdinle.com