Madaxweyne Xaaf oo Magacaabay Guddi Doorasho Galmudug

January 04, 2020 (Awdinle Online) – Madaxweyne Maamul Gobaleedka Galmudug Axmed Ducaale Geele Xaaf ayaa magacaabay guddiga Doorashooyinka Galmudug.

Madaxweyne Xaaf ayaa labo maalin ka hor ka degey magaacadda Gaalkacyo ee isla galmudug, wuxuuna warbaahinta u sheegeyn in uu wakaaladii uu u dhiibtay Wasiirka Arrimaha Gudaha kala laabtey, kuna eedeeyey si xun wax i qeybis iyo iska horkeen beelaha Galmudug.

Madaxweyne Axmed Ducaale ayaa magacaabay gudi ka koobaan 11 xubnood, wuxuuna ku amray in ay si deg deg ah howshooda u bilaabaan, waajibkoodana u gutaan.

Halkan ka akhriso wareegtadda Xaaf