Axmed Madoobe Oo Ku Wajahan Garoowe

January 5, 2020 (Awdinle Online) –Warar soo baxaya ayaa sheegaya in madaxweynaha dib loo doortay ee Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa la filayaa in maalinta berito ah uu tagayo magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland.

Ilo wareeyo ku dhow Madaxtooyada Jubbaland ayaa waxaa ay sheegeen in laba arrimood uu Axmed Madoobe u tagayo Puntland,kuwaas oo kala ah doorashada soo socota iyo khilaafka dowladda iyo Dowlad Goboleedyada.

Axmed Madoobe ayaa Garoowe kula kulmi doona Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni,iyaga oo ka wada hadli doono arrimo la xiriira doorashooyinka iyo xilliga kala guurka  ah ee Arrimaha siyaasada & khilaafka dowladda iyo Maamulka Jubbaland.

Labada Madaxweyne ee Puntland iyo Jubbaland ayaa bilihii la soo dhaafay xirirkooda waxa uu ahaa mid wanaagsan,iyada oo Madaxweynaha Puntland uu siweyn uga qeyb qaatay xafladii Caleema saarka Axmed Madoobe,kadib markii ay qaadacday dowladda Soomaaliya.

Warar Sugan Kala Soco   Awdinle.com