Cabdul Casiis Mahdi  oo loo Magacaabey Guddoomiyaha degmada Cabdul Casiis

January 5, 2020 (Awdinle Online) –Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed ( Filish) ayaa guddoomiye Cusub u Magacaabey degmada Cabdul Casiis ,kaddib markii Guddoomiyihii degmadaas ay ku geeriyootay qarixii ka dhacay Xarunta Gobolka Banaadir.

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Duqa Muqdisho ayaa waxaa Guddoomiyaha degmada Shangaani loogu Magacaabey Cabdul Casiis Mahdi Faarax Cabdulle kaas oo bedeley Sabaax Cabdulalahi Asad oo kamid aheyd Guddoomiyeyaashii ku geeriyooday 24-kii Bishii July qarixii ka dhex-dhacay Xarunta Maamulka Gobolka Banaadir.

Qaraxaas ayaa sidoo kale waxaa ku geeriyooday Guddoomiyihii Gobolkan Banaadir Eng, Cabdiraxmaan Yariisow,Guddoomiyeyaashii degmooyinka,Waaberi iyo Cabdul Casiis,kuwaas oo dhawaan Duqa Muqdisho uu Magacaabey guddoomiyeyaal bedelaya.

Warar Sugan Kala Soco   Awdinle.com