Dhageyso :-Madaxweyne Waare ”Waan awoodi wayney in Go’doonka ka saarna  Buula Burde”

January 5, 2020 (Awdinle Online) –Madaxweynaha dawlad goboleedka Hir-Shabeelle Maxamed Cabdi Waare iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa waxa magaalada Bula Burte ee gobolka Hiiraan kuso dhaweeyay wasiirkiisa Arrimaha gudaha, oo maalmahaan ku sugnaa degmadaas.

 

Magaalada Buulo Burte ayaa Go’doonsan muddo dheer ka dib markii ururka Al-Shabaab ay xireen Wadooyinka soo gala, madaxweyne Waare oo dadka deegaanka kala hadlay arrintaas ayaa sheegay in maamulka Hirshabeelle uu ku fashilmay in uu go’doominta ka qaado Magaalada Buulo burde ee gobolka Hiiraan.

 

Waare ayaa sababta ku sheegay in maamulka ay soo wajaheen mudadii uu madaxweynaha ka ahaa dhibaatooyin kala duwan, islamarkaana loo baahan yahay in wax laga qabto dhibaatooyinka magaalada ka taagan.

 

Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare ayaa magaalada Buulo Burte u tagay xal u helida tabashooyin dhaliyay khilaaf ku aadan maamulka Cusub ee loo magacaabey degmadaas.

Magaalada Buulo Burde ayaa Go’doonsan sanado badan ka dib markii Al-Shabaab ay xireen inta badan Wadooyinka soo galla.

 

Warar Sugan Kala Soco   Awdinle.com