Gudoomiyaha Aqalka Sare iyo James Swan   oo ka wada hadlay Doorashada 2020/21.

January 5, 2020 (Awdinle Online) –Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Amb James Swan, ayaa maanta Muqdisho kula kulmay Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullaahi.

James Swan iyo Gudoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi waxa ay ka wada hadleen qodobbo ay ka mid yihiin sharciga doorashada, kaas oo hor yaalla hadda Aqalka Sare, ka dib markii Golaha shacabka ay dhawaan meel mariyeen sharcigaan oo doodkataagneed.

Ergayga Qaramada Midoobay ayaa ku tilmaamay sharcigan tilaabo taariikhi ah oo loo qaaday dhanka dhismaha nabadda, isagoo boorriyey in wakhtigiisa lagu meel mariyo si uu ula jaan qaado doorashada 2020.

Gudoomiyaha aqalka Sare ayaa sheegay in ay muhiimtahay in Qaramada Midoobay ay ka qayb qaadato dib u dhiska Dowladda Soomaaliya,kana caawiso hormarinta Dhaqaalaha, Amaanka iyo Xasiloonada Dowladnimada Soomaaliya.

Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Amb James Swan ayaa dhankiisa Gudoomiyaha uga mahadceliyay kulankiisa waxa uuna balanqaaday in ay la shaqayn doonaan hay’adaha kala duwan ee Dowladda si loo helo doorasho waqtigeeda ku dhacda oo nabdoon.

Amb Swan ayaa horay u tagay Caasimadaha Maamul Goboleedyada Dalka Sida Kismaajo, Baydhabo, Jowhar,Garowe,Dhuusamareeb iyo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir oo uu kula kulmay Magaaladda Muqdisho waxa uuna kala hadlay Doorashada 2020/21.

Warar Sugan Kala Soco   Awdinle.com