Dhageyso :-Dab Xoogan oo ka kacay Xaafada salaamay ee magalada baydhabo

January 7, 2020 (Awdinle Online) –Dadka xaafada salaamay  ayaa ku guuleystay inay demiyaan dab ka kacay xaafada salaamay .

Dad shacab ah oo ku noollaa nawaaxiga dabka uu ka kacay ayaa ku guulaysta daminta dabkaas

Qiiq iyo Uuro wayn oo ka kacday  xaafada ayaa laga arkay qaybo badan oo magaalada baydhabo  ka mid ah.

 

Dabka ayaa billawday abaaro labo saac iyo bar,

Waxaa xaafada  gaaray intuu dabka socday Cabdiraxman ibraahim axmed gadoomiyah xaafada salaamay

Dabka ayaa la sheegay in uu wax yeelo u geystay qeybihii uu ka koobnaa guriga  iyadoo sababta dabka dhalisayna maamulka xaafada  ay ku sheegeen jiko u dhowayd goob lagu iibiyo shidal .

 

Guriga uu dabka ka kacay waxaa ku geeriyooday aabe iyo cunug uu dhalay waxaana la sheegay in hooyda gurigaas ay ka maqnay guriga xiliga uu dabka kacayay .

Warar Sugan Kala Soco   Awdinle.com