MADAXWEYNE XAAF OO BEEN ABUUR KU TILMAAMAY BAARLAMAANKA CUSUB EE GALMUDUG

January 11, 2020 (Awdinle Online) –Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa ka hadlay liiska xildhibaanada Galmudg ee shalay lagaga dhawaaqay magaalada Dhuusamareeb.

War-saxaafadeed kasoo baxay Xafiiska Madaxweynaha Galmudug ayaa lagu sheegay in lala xisaabtami doono cidii soo saartay liiska xildhibaanada cusub ee Galmudug, oo lagu sheegay in ay yihiin been abuur.

Sidoo kale war-saxaafadeed ayaa lagu sheegay in odayaasha dhaqanka, culimada, waxgaradka, aqoonyahanada iyo siyaasiyiinta Galmudg ay u istaagaan xaaladda Galmudug.

Hoos ka akhriso war-saxaafadeedka Xaaf

Warar Sugan Kala Soco   Awdinle.com