Baarlamaanka cusub ee Galmudug oo doortay Gudoomiye ku meel gaar ah.

January 12, 2020 (Awdinle Online) –Mudaneyaasha baarlamaanka labaad ee Dowlad Goboleedka Galmudug oo fadhigii ugu horeeyay maanta oo Axad ah ku yeeshaymagaaladda Dhuusamareeb ee Caasimada Maamulkaasi ayaa doortay guddoon ku meel gaar ah.

Xildhibaan Xasan Keynaan Xalane oo lagu sheegay xubinta ugu da’da weyn golaha ayaa loo xushay in afhayeenka ku meel gaarka ah uunoqdo baarlamaanka Labaad ee Galmudug.

Keynaan ayaa xilka sii hayn doona inta laga dooranayo gudoomiyaha rasmiga ah ee Golaha Wakiiladda maamulkaas.

Xildhibaan Xalane ayaa kamid ahaa baarlamaankii ku meel gaarka ee dowladdii madaxweyne 7 aad ee dalka Shariif Sheekh Axmed.

Lama shaacin waqti rasmi ah oo loo muddeeyay in ay ku qabsoomeyso doorashadda gudoonka baarlamaanka Galmudug.

Baarlamaanka Galmudug ayaa haatan leh kulan xasaasi ah oo ajandihiisu yahay dhaarinta xildhibaanadii Shalay aan la dhaarin iyo magacaabista gudigga cusub ee doorashada Madaxda Galmudug.

Gudiggan ayaa wararku sheegayaan in uu ka kooban yahay 15 Xubnood oo ka kala yimid Ahlusunna iyo xildhibaanada kale ee odayaashu soo xuleen , 6 Xubnood waxaa qaatey Ahlusunna oo gudigga Ku yeelan doona halka 9 Xubnood ay noqon doonaan xildhibaanada kale ee Ka yimid dhanka beelaha Galmudug.

Amniga ayaa aad loo adkeeyay iyaddoo la sheegay in la qabtay shaqsiyaad laga shakiyey basle damiin lagu sii daayey.

Talaabadan ayaa kusoo aadeysa iyaddoo madaxweyne Axmed Ducaale Geelle uu horey u shaaciyey in uusan aqoonsaneyn baarlamaanka, isla markaana uu Gaalkacyo kawaddo abaabulka doorasho kale.

Warar Sugan Kala Soco   Awdinle.com