Dhageyso :-Doorashada Galmudug Oo Laga Soo Saarey Digniin

January 12, 2020 (Awdinle Online) –Weli waxa cabasho kala duwan ka imaaneysaa qaar kamid ah beelaha dega deegaannada Galmudug,kuwaas oo sheegay in Odayaashii saxiixayaasha Galmudug ee soo xulayey Xildhibaannada Galmudug la bedeley.

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Galmudug Ibraahim Xasan Guureeye ayaa sheegay in dowladda Federaalka ay si cad u baal martay shaqsiyaad ka yimid Beelaha Galmudug qaarkood oo ay soo xusheen,isla markaana la bedeley.

Waxaa uu sheegay ,isaga oo lahadlayay Risaala in uu ka digayo hadii la qabto doorashada Galmudug inay keeni karto arrimo ay kamid yihiin Amni darro.

Ugu dambeyn waxaa uu sheegay in dadka loo soo xulay xildhibaannada Cusub ee Galmudug lagu keenay si saaxiibtinimo ah oo ay mas’uul ka yihiin Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Warar Sugan Kala Soco   Awdinle.com