Somaliland oo Fulisay xukun wadareed

January 15, 2020 (Awdinle Online) –Maamulka  Somaliland ayaa Arbacada maanta fuliyay xukun dil wadareed ah kaddib markii ay hal goob ku toogatay lix qof oo horey loo Xukumay.

Dadkan oo horay Maxkamadaha Somaliland dil ugu xukumeen ayaa ku xirnaa Xabsiga Mandheera  ee Somaliland.

Dadka saaka la toogtay oo dhamaantood Rag ah ayaa lagu eedeeyay in ay horay dilal ugu geysteen dad kale sidaasna maxkamadaha Somaliland dil ugu xukumeen.

Dilka toogashada ah ayaa ka dhacay Gobolka Saaxil ee Somaliland oo ay xaruntiisu tahay Magaalada Dekadda leh ee Berbera.

Magacyada dadka la toogtay ayaa waxaa ay kala yihiin:-

  1.  Farxaam Maxamed Xasan
  2.  Cabdillaahi Ismaaciil Xayd
  3.  Axmed-Guray Ibraahin Faarax
  4.  Khadar Aleel
  5.  Xasan Muxumed Cismaan
  6.  Caydaruus Khadar Haybe.

maxbiistan dilka lagu fuliyay ayaa ka soo kala jeeda Deegaanada Sool Sanaag Iyo Gabilay waxaa loo haystay  dilal ay horay uga soo Gaystay Deegaanadoodii.

Inta badan Xukunnada noocan ah fulintooda waxaa dood badan ka keena hay’adaha u dooda xuquuqda aadanaha ee ka howlgala Soomaaliya.

Warar Sugan Kala Soco   Awdinle.com