Dhageyso :-Xildhibaan Fiqi oo Baarlamaanka galmudug ku tilmaamay maxaabiis

January 16, 2020 (Awdinle Online) –Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo kamid ah Xildhibaannada Golaha Shacabka ee deegaan doorashadoodu tahay Galmudug ayaa sheegay in Xildhibaannada Cusub ee Baarlamaanka Galmudug yihiin maxaabiis.

Waxaa uu sheegay in doorasahda Galmudug ay ka dhiman tahay waqti kooban,hayeeshee Baarlamaanka Galmudug loo diidan yahay inay dhageystaan aragtida musharixiinta si ay uga soo xushaan qofkii ay dooran lahaayeen,balse uusan sheegin cida ay maxbuuska u yihiin.

“Waxaan maqlayey in xildhibaannadii loo diidan yahay inay banbaxaan oo dhageystaan aragtida musharixiinta si ay uga kala qiyaastaan qofkii ay dooran lahaayeen,hadii ay rabaan xildhibaannada in la soo furto waan soo furaneynaa ayuu yiri” Xildhibaan Fiqi.

Hadalka Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi ayaa waxaa uu daba socdaa qaar kamid ah Musharixiinta Madaxweynaha Galmudug oo sheegay in Xildhibaannada Cusub ee Baarlamaanka 2aad ee Galmudug loo diidey kaararka Aqoonsiga.

Warar Sugan Kala Soco   Awdinle.com