Dhageyso :-Adeegyadda uu bixiyo isbitaalka degmada xudur oo waxbadan ka dhiman

January 16, 2020 (Awdinle Online) –Agaasimaha Isbitaalka degmada Xudur ee gobolka Bakool dr Isaaq Maxamed nuur Boorow ayaa sheegay in adeegyada Muhiimka ah ee isbitaalka qaar badan oo ka mid ah hada ay shaqaynayaan wallow dhanka kale ay jiraan waxyaabo ka dhiman.

Agaasimah ayaa sheegay in shaybaarka iyo qaybo kale oo aad muhiim u ah ay shaqeeyaan taasoo suuro galisay in waxyaabo mihiim ah loo qabto shacabka ku nool Magaalada Xudur maadaama lagu hirgaliyay dadaalo ay sameeyeen Bulshada deegaanka oo isku tashatay.

Dhanka kale wuxuu xusay inuusan isbitaalku raajo lahayn taasoo bulshadu ay si aad ah ugu baahan yihiin.

 

 Warar Sugan Kala Soco   Awdinle.com