Waare Iyo Wasiirkiisa Arrimaha Gudaha Oo Lagu Eedeyay Colaad Hurin

January 16, 2020 (Awdinle Online) –Odoyaasha Dhaqanka degmada Buuloburte ee gobolka Hiiraan ayaa eedeyn kulul u jeediyay madaxweynaha Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare iyo wasiirka arrimaha gudaha ee Hirshabelle Maxamed Cali Caadle, iyaga oo ku eedeeyay in ay ka hurinayaan colaad sokeeye oo ka qarxa Buuloburte.

Odoyaasha oo shir ku qabtay  degmada ayaa sheegay in madaxweynaha iyo wasiirka ay ku dirqinayaan dadka deegaanka in la dhiso Gole Deegaan oo aan laga sameynin meel kale oo ka mid ah Hirshabelle.

Odoyaasha ayaa sheegay in ay aad ula yaabeen in dhismaha gole deegaan laga billaabo Buuloburte, iyada oo degmada ay ku jirto go’doon, halka aan loo sameynin gole deegaan magaalooyinkii nabadda ahaa sida Jowhar, Balcad,B/weyne iyo Jalalaqsi, taasina ay tahay wax aan la fahmi karin.

Odoyaasha ayaa sheegay in cabashadooda ay kala hadleen Wasiirka Arrimaha Gudaha Hirshabelle Maxamed Cali Caadle iyo Madaxweynaha Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare, balse ay dhagaha ka fureysteen,  madaxweynuhuna uu ka dhoofay magaalada iyada oo ay taagan tahay xiisaddii uu abuuray wasiirkiisa arrimaha gudaha.

Odoyaasha ayaa ugu baaqay  Hay’adda Center for Research and Dialogue (CRD) in aysan qeyb ka noqon colaadda ay sheegeen Odayaashu in Buuloburte ay ka hurinayaan madaxweynaha iyo Wasiirka Arrimaha gudaha Hirshabeelle.

Ugu dambeyntii odoyaasha ayaa ugu baaqay madaxda sare ee Dawladda Federaalka, sida madaxweynaha, Ra’iisul wasaaraha iyo wasiirka arrimaha gudaha in ay soo fara-galiyaan arrintan oo hurin doonta khilaaf keeni doona in magaalada laga qaxo oo ay ka baxdo gacanta dawladda maadaama madaxda Hirshabelle ay ku mashquulsan yihihiin sida odayaashu ku doodayaan in ay mashruuc ka dhigtaan dhismaha maamul deegaan aan mudnaan u lahayn dadweynah Buulo Burte.

Waxa ay sidoo kale odoyaasha ugu baaqeen Dowlad goboleedka Hirshabeelle in lagala shaqeeyo waxyaabaha muhiimadda degdegta ah u leh degmada oo ay ka mid tahay furitaanka wadooyinka xiran oo saameeyey nolosha deegaanka iyo dadka.

Warar Sugan Kala Soco   Awdinle.com