Marwada Madaxweynaha Soomaaliya door intee la eg ayay ku leedahay Doorashada Galmudug

January 16, 2020 (Awdinle Online) –Sida ilo lagu kalsoon yahay Awdinle.com usheegeen Marwada Qaranka Seynab Maxamed Macalin ayaa waxay door weyn ku leedahay Arimaha Doorashada Galmudug.

Gabdho ku jira Baarlamaanka Galmudug waxay sheegeen in ay lasoo hadleen Haween Ergo ahaan ka ahaa Marwada Qaranka Seynab.

Waxay sheegeen inay ka dalbatay Codkooda inay ku taageeraan Doorashada Berri ka dhaceysa Dhuuso mareeb Iyagoo codka siinaya Dr Maxamed Nuur Gacal.

Seynab ayaa sidoo kale iyada qadka taleefoonka loogu dhiibay Xildhibaano dhowr ah oo Rag iyo Dumar iskugu jira islamarkaana ay dalabka inay Gacal taageeraan ugudbisey.

Dhaqaale ayey Villa Soomaaliya ku bixineysaa soo saarida Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug oo gacal ay la rabto inkastoo wax walbo is badeli karaan,siyaasaduna ay mararka qaar kaa jan jeersan karto.

Warar Sugan Kala Soco   Awdinle.com