XOG:- Nin Hubeysan Oo Muqdisho Lagu Toogtey

January 16, 2020 (Awdinle Online) –Xalay fiidkii Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya waxaa ay toogasho ku dileen Nin hubeysnaa oo saarnaa Mooto Bajaaj,xilli uu marayay agagaarka Bar koontorool oo Ciidamada ay ku leeyihiin Iskuul Muqdisho oo dhowr tallaabo u jira Isgoyska Maana Booliya.

Ruuxa hubeysan oo ay Ciidamada toogteen ayaa watey Qor AK47,waxaana la sheegay in isaga iyo askarta ay wada murmeen taas oo keentay inay toogtaan,waxaana medykiisa uu goobta yaalay saacado badan.

xog ku saabsan waxa uu ahaa qofka la toogtey,waxaana lagu Magacaabi jirey Bashiir Maxamed Xasan Wancade ,isaga oo kamid ahaa askarta Ciidamada Dowladda gaar ahaan ilaalada Guddoomiye ku xigeenka Degmada Kaaraan Sowdo Maxamuud Gaabow.

Dhinaca kale Ehelada Marxuumka ayaa waxaa ay sheegeen in askartii dishay wiilkooda ay muddo saacado badan ah joogeen goobta ay wax ku dileen,isla markaana aysan jirin wax tilaabo ah oo laga qaadey.

Laamaha Amniga Soomaaliya gaar ahaan booliska oo ay ka tirsanaayeen Ciidamada askariga diley weli wax faah faahin ah kama bixin.

Warar Sugan Kala Soco   Awdinle.com