Madaxweyne Farmaajo oo Khadka Telefoon ugu Hambaliyeeyey Dr Maxamed Nuur Gacal

January 17, 2020 (AO) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Maxamed Farmaajo ayaa u hambaliyeey Dr Maxamed Nuur Gacal Gudoomiyaha cusub ee Baarlamaanka 2aad ee Maamul Gobaleedka Galmudug.

Madaxweyne Farmaajo oo khadka Telefoonka kula hadley Dr Gacal ayaa yiri ” waxaan kuugu hambaliyeynayaa guusha weyn ee aad ka gaartey Doorashadii Baarlamanka Galmudug ay kuu doorteey inaad noqtid Gudoomiyaha Golaha ee heer Gobal, adiga iyo ku-xigeenadaaduba waxaan idin rajeynaa inaad si hufan u gudan doontaan waajibaadkiina shaqo.”

Madaxweyne Farmaajo ayaa muujiyey sida uu ugu faraxsan yahay doorashada baarlamaaniga ah ee maanta ka dhacdey magaaladda dhuusamareed ee caasimadda maamulka gobaleedka galmudug ee Soomaaliya.