Bam gacmed lagu weeraray Guri ku yaalla Muqdisho oo dad dhaawacyo ka soo garay

January 18, 2020 (Awdinle Online) –Sidda ay  Awdinle.com u xaqiijiyeen dadka degaanka in ka badan 10 ruux ayaa ku dhaawacantay Bambo Gacmeed lagu weeraray Xalay guri ku yaalla Xaafadda Fagax ee degmada Yaaqshiid ee Muqdisho.

Bambo gacmeedka ayaa lagu weeraray Guri la sheegay in la isku yimaado, islamarkaana lagu caweeyo,islamarkaana ay ku sugnaayeen dad la sheegay in ay isugu jiraan rag iyo dumar.

Qof ka mid ah dadka degaanka ayaa Awdinle u sheegay in 11 ruux ay ku dhaawacmeen Qaraxa, islamarkaana Kooxdii ka dambeysay ay goobta ka baxsadeen.

Labo ruux oo ka mid ah dadka dhaawacmay ayaa Xaaladood Caafimaad Liidataa.

Ciidanka Ammaanka dowladda Soomaaliya ayaa gaaray goobta lagu weeraray Bambo Gacmeedka, waxaana ay halkaasi ka sameeyeen howlgallo.

Warar Sugan Kala Soco   Awdinle.com