Ciidamo ka tirsan howlgalka amison oo lagu dilay dagaal ka dhacay degmada Qoryooley

January 18, 2020 (Awdinle Online) –Xarakada Al-Shabaab ayaa guullo ka sheegatay dagaal ay ciidamada Uganda ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM iyo kuwa dowladda federaalka ay kula gashay duleedka degmada Qoryooley ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Dagaalka oo qaatay muddo saacad ah ayaa ka dhacay deegaanka Mashalaay oo hoos yimaada degmadaasi.

Warka ka soo baxay Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in dagaalyahannadooda ay weerarka qaadeen, islamarkaana ay khasaaro ku gaarsiiyeen ciidamada huwanta.

Ugu yaraan afar askari oo ka tirsanaa ciidanka Uganda iyo mid Soomaali ah ayey Al-Shabaab sheegtay inay ku dishay dagaalkasi iyo weerarka ka horreeyey intaba.

Dhanka kale ma jiraan ilo madax banaan oo xaqiijin kara sheegashada Al-Shabaab welina wax hadal ah kama soo bixin AMISOM iyo saraakiisha ciidanka dowladda.

Xaaladda ayaa maanta yara dagan, basle ciidamada huwanta ayaa dhaq dhaqaaqyo cusub ka bilaabay nawaaxiga degmooyinka Afgooye iyo Qoryooley oo ay xalay weeraro ka dhaceen.

Inta badan dagaalyahannada Al-Shabaab ayaa weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah ka fuliya deegaanada iyo degmooyinka gobolka Shabeelaha Hoose ee k/ Soomaaliya.

Ilaa iyo hada ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Saraakiisha Uganda oo ku aadan wararka sheegaya in Afar Askari looga dilay weerar saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay Gobolka Shabeellaha Hoose.

Warar Sugan Kala Soco   Awdinle.com