Guddigii uu magacaabay Xaaf Oo Maanta Shaacin Doona Xildhibaanadoda

January 18, 2020 (Awdinle Online) –Sida ku cad jadwalka Doorashadda ay soo saareen Guddiga Farsamadda Madaxweyne Axmed Ducaale (Geelle), uu kaga dhawaaqay magaaladda gaalkacyo 18-ka oo maanta ku beegan ayaa la shaacin doonaan Xildhibaanadda Galmudug garabka Gaalkacyo.

Xubno ka Tirsan Guddiga Farsamadda ayaa inoo sheegay in qorshaha lagu soo xulayo xildhibaanadda labaad ee Galmudug uu yahay mid la diyaariyay,islamarkaana maanta lasoo gaba-gabeyn doono.

Sidoo kale waxa ay sheegeen in 20-ka bishaan la dhaarin doono Xildhibaanadda lasoo xulay,islamarkaana 25-ka bishaan la dooran doono Guddoonka Baarlamaanka Maamulka Galmudug.

Dhanka kale waxa ay sheegeen in la diyaariyay qorshaha doorashadda Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku-xigeenka Galmudug.

Warar Sugan Kala Soco   Awdinle.com