Madaxweynaha puntland oo weerar afka ah ku qaaday dowladda fedraalka

January 18, 2020 (Awdinle Online) –Madaxweynaha maamulka Puntland, Mudane Siciid Cabdullaahi Maxamed (Deni) oo kulamo isaga iyo Madaxweynaha Jubbaland ay ka wadaan Boosaaso ayaa ka hadlay xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan tan gobolka Bari.

Deni oo weerarka dhanka afka ah ku qaaday dowladda federaalka ayaa ku eedeeyey inay dhibaato ka wado gobolkaasi, islamarkaana ay mashquulsan tahay arrimaha Puntland.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay inay jiraan shaqsiyaad ka tirsan dowladda dhexe oo ka shaqeynaya, sidii ay isaga hor keeni lahaayeen xukuumaddiisa iyo odayaasha dhaqanka magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga ee dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland.

Shaqsiyaadkaas oo uusan carab baabin ayuu sheegay inay fariimo u soo diraan qaar ka mid ah waxgaradka, iyadoo ujeedadu tahay inay ka soo horjeestaan Puntland, si khal khal siyaasadeed looga abuuro deegaanada maamulkaais.

Ugu dambeyn wuxuu ugu baaqay guud ahaan dhaqanka Puntland inay kala shaqeeyaan amniga iyo xasiloonida siyaasadeed ee maamulkaasi.

Puntland ayaa haatabn wuxuu khilaaf xoogan ka dhexeeya dowladda federaalka, kaas oo muddo soo jiitamayey, wuxuuna saameeyey xiriirka iyo wada shaqeynta labada dhinac.

Warar Sugan Kala Soco   Awdinle.com